Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta xafiiskiisa maamulka ee gobolka banaadir ku qaabilay Mr. Mehmet Yilmaaz Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayay .

Waxay kawada hadleen Guddoomiyaha gobolka banaadir Sheikh Yuusuf Madaale iyo Safiirka Turkiga Mr. Mehmet Yilmaaz xoojinta Iskaashiga lagu horumarinayo heshiiska Mataaneenta Muqdisho iyo magaalooyinka Turkiga, dardargalinta mashaariicda lagu dhisayo Waddooyinka Caasimadda iyo xarumaha Danta-Guud Ee Gobolka Banaadir.

Wuxuuna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) uga mahadceliyay Dowlada Turkiga iyo shacab keedaba ka qeybqaadashadooda dib u soo kabashada Dalka.

Share.

Leave A Reply