Author: rbnnews

Muqdisho, 07 May 2024: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xariga ka jaray dhismayaal casri ah oo uu Bangiga (Premier Bank) ka hirgeliyay Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho. Duqa Muqdisho ayaa ku amaanay Premierbank doorka uu ka qaadanaaya dib-u-casriyeynta Caasimadda iyo in uu ku dhiirado Maalgashiga dalka, taasi oo ah mid dunida tusaysa Horumarka iyo Isbedelka Amni ee ka jira Magaalada Muqdisho. Munaasabadda waxaa goob joog ka ahaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Madaxda Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, Madaxda Bangiga, Guddoomiyaha Degmada Wadajir iyo marti sharaf kale.

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminaayo, ayaa gaaray magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen, Wasiirka Arrimaha Dibedda kenya Musalia Mudavadi, Wasiirka Difaac Kenya Aadan Barre Ducaale ,Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS Mudane Axmed Macalin Fiqi , xubno ka tirsan Dowladda Kenya iyo Safiirka Soomaaliya ee kenya Jabriil Ibraahim Cabdulle. Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku qotoma adkaynta xiriirka labada dal, horumarinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, Socdaalka ,amniga gaar ahaan la dagaalanka khawaarijta, dalxiiska, caafimaadka, iyo waxbarashada Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa inta uu joogo Kenya waxa uu la kulmi doonaa…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 11 ee 5-ta May 2024, kuna saabsan magacaabid La-taliye Sare ee Madaxweynaha ee Arrimaha Aminga. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo. Wuxuu xeeriyey: Waxaa Gen.Maxamed-Amiin Cabdullaahi Xaaji Khayr loo magacaabay La-taliye Sarre ee Madaxweynaha ee Arrimaha Aminga. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo furay kulan aqoon is weydaarsi ah oo ku saabsan kobcinta iyo horumarinta dhaqalaha dalka, ayaa xusay dadaallada dowladda ee ku aaddan horumarinta dhaqaalaha loo dhan yahay oo xasilloon. Kulanka aqoon isweydaarsiga ah oo ay goobjoog ka yihiin Wasaaradaha Wax-soosaarka dalka, ayaa inta uu socdo waxa ay khubaro caalami ah oo ku xeeldheer dhaqaalaha oo uu ka mid yahay Proff Stefan Dercon, oo ah khabiir dhaqaale iyo bare wax ka dhiga Jaamacadda OXFORD ee dalka Ingiriiska ku soo bandhigayaa jihada lagu gaari karo dhaqaale oo horumarsan, kana tarjumaya yoolalka mustaqbalka…

Read More

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ee SoDMA, Md. Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta xarunta Safaaradda Chine ee Muqdisho waxa uu kula kulmay ku simaha Xilka Safiirka Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya Mr. Chen Wendi. Kulanka oo ahaa mid wadatashi ah ayaa hay’adda waxa ay safaradda uga mahadcelisay garab istaagoda walalnimo ee ay ka geysteen u diyaar garowga roobka gu’ga iyo sidii loo samata-bixin la ahaa shacabka Soomaaliyeed, in la sii xoojiyo xiriirka labada dhinac, iyadoo dhanka kale China ay ku celisay markale in garab taaganyihiin shacabka Soomaaliyeed, gargaaro kuwii hore ka badana ay soo garsiin donaan. Dowladda Shiinaha ayaa afar magaalo…

Read More

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan saagootin ah kula qaatay Madaxtooyada Qaranka Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Marwo Catriona Lainga oo soo gaba-gabeysay shaqadii diblumaasiyadeed ee ay ku joogtay dalkeenna. Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Danjire Catriona Lainga, doorka ay ka qaadatay iskaashiga Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ee taageerada dowlad dhiska, nabada, amniga iyo arimaha binu aadannimo Wakiilkii gaarka ahaa ee xoghayaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Marwo Catriona Lainga oo Madaxweynaha uga mahad-celiysay kulankan ayaa sheegtay in ay ku faraxsan tahay wada-shaqeynta ay u muujiyeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, inta…

Read More

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta XFS Cabdisalaan Cali (Dhaay) oo ay wehlinayaan Wasiir ku xigeenka wasaaradda iyo Agaasimaha waaxda Tayodhowrka ayaa kulan la qaatay Madaxa Hay’adda TIKA ee Soomaaliya Mr. Zafer ESKI, kaas oo ay ka wada hadleen kor u qaadida xiriirka shaqo ee labada dhinac iyo iskaashiga kaabayasha muhiimka ah ee dib u dhiska Dalka. Wasiir Cabdisalaan Cali ayaa uga mahad celiyey Dowladda Turkiga kaalinta dib u dhis oo ay dalka ka wado, isagoo ka codsaday Madaxa TIKA in la joogteeyo tababarada Injineerada wasaaradda iyo sare u qaadida xirfadahood

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya, Danjire, Michael Nithavrianakis iyo Wafdi uu hoggaaminayo. Kulanka oo ay ka qeybgaleen xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda, ayaa looga hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya gaar ahaangeedi socodka Dowlad dhiska Soomaaliya, iyoarrimaha Puntland, sida Dimuqraadiyadda Puntland, dardargelin mashaariicda horumarineed ee UK ka fuliso Puntland iyo xoojinta xiriirka iyo wada shaqeynta labada dhinac.

Read More

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa ansixiyey Heshiis Iskaashi ee u dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga. Heshiiska Garsoorka ee ay gaareen Soomaaliya iyo Turkiga oo ka kooban afar qeybood ayaa diiradda saaraya dhinacyada kala ah; iskaashi, Gargaarsi sharciyeed, Dhiibid eedeysanayaal ama dembiileyaal iyo Wareejin Shakhsiyaad xukuman oo xabsi ku jira. Shirka oo uu guddoominaayey Ra’iisul Wasaaraha XJFS, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa warbixinno ku saabsan xaaladda amni ee dalka iyo howlgalladii ugu danbeeyey ee lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah looga dhagaystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga. Golaha ayaa sidoo kale ansixiyey Heshiiska Iskaashiga…

Read More

Guddoomiye Ku-Xigeenka Kowaad Ee Golaha Shacabka Baarlamaaka Federaalka Soomaaliya Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo wafdi ay hogaaminaysay ayaa Magalada Kampala ee dalka Uganda, kaga qaybgashay Shirweynihii 2aad ee Baarlamaannada Afrika oo ku saabsan qiyamka qoyska iyo dhaqanka. Shirkaan oo socon doona muddo Sedax Cisha ah ayaa looga hadli doonaa,Ilaalinta madax-bannaanida Dalalka Afrikaanka ah,Ilaalinta xuquuqda Afrikaanka ah. Waxaan Sido kale la rajaynayaa Hirgalinta madal wada-xaajoodd oo midaysan Baarlamaan-goboleedka Afrika si wax looga qabto caqabadaha, Ka hortagaya gumaysiga dhaqameed ee shuruucda, siyaasadaha iyo barnaamijyada Afrikaanka ah ee waxbarashada, caafimaadka, iyo xuquuqda aadanaha.

Read More