Waxaa goordhaw gaaray magaalada beydhabo ee xarunta kumeel gaarka maamulka koonfur/galbeed Soomaaliya Wafdi ballaaran oo ay hogaamineyso wasiiradda haweenka iyo arimaha qoyska dowladda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiye. Wafdiga Wasiirad khadiija waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa wasiirada wasaaradaha haweenka ee dowlad goboleedyada dalka. Garoonka diyaaradaha ee magaalada beydhabo waxaa wafdiga ku soo dhaweeyay Waxaana wasiirka wasaarada haweenka Dowlada KGS iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo madaxtooyada DGKGS ayaana hab maamuus wanaagsan ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha. Ujeedada socdaalka mas’uuliyiinta ee magaalada baydhabo ayaa lagu sheegey iney tahay sidii ay kaga qeyb gali lahaayeen xuska munaasabada…
Author: rbnnews
Mudane Cali Guudlaawe Xuseen Madaxweynaha Dowladda goboleedka Hirshabeelle ayaa maanta shir gudoomiyay Shirka Golaha Wasiiradda Dowladda Hirshabeelle. Ugu horeyn waxaa Shirka Golaha Xukuumada lagu dhaariyay xubno kamid ah golaha Wasiirarda iyadoo kulankaan looga hadlay howlgallada kooxda alshabaab looga xureyay deegaanada iyo degmooyinka Hirshabeelle iyo sidii sida ugu dhaqsiyaha badan maamulo loogu dhisi lahaa deegaannada shabaabka laga saaray, Madaxweynaha Cali Guudlaawe Xuseen ayaa golaha uga waramay howlagalada socda ee lala galay alshabaab iyo safaradii uu ku tagay dhamaan deegaanadii ay la wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.wuxuuna faray madaxweynuhu Wasaaradaha Dowladda in deegaanada la xureeyay la gaarsiiyo adeegyada aas aasiga…
Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka banaadir ayaa saaki kormeer ku sameeyay wadooyinka magaalada muqdisho kaas oo ay ugu kuur galayaan bilicda iyo nadaafadda wadooyinka caasimadda. Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Ahmed Diiriye (Yabooh) Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Jimcaale iyo Xog’hayaha guud ee Gobolka Feysal Carraale Afrax ayaana kormeer ku tagay degmooyinka Kaaraan. Yaaqshiid. Hodan.Howlwadaag. Wadajir. iyo Dharkeynley. Agaasimaha Guud ee Nadaafada Iyo Bilic Soo celinta ee Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Suudi ayaa sheegay in Dowladda Hoose ee Xamar ay xoojin doonto howlaha kor loogu qaadayo Bilicda Magaalada. Guddoomiye ku-xigeenka…
Kadib kulan ay isugu yimaadeen qaar kamid ah ururada siyaasadda ee ka jira Puntland ayaa waxay eedeymo dusha kaga tuureen hogaanka dowlad goboleedka puntland. Waxeyna ku sheegeen War-saxaafadeed ka soo baxay urur siyaasadeeda in xukuumadda Puntland fara gelin ku hayso ururrada islamarkaana kala jebin ku heyso, Sidoo kale waxay ku baaqeen Ururada siyaasadda puntland in la isugu yimaado shirweyne guud si loo badbaadiyo geeddi-socodka hannaanka xisbiyada badan ee Puntland. Waxa uu ku soo beegmayaa go’aankan ka soo baxay Ururada siyaasadda saacado un kadib markii madaxweynaha Puntland iyo lix urur siyaasadeed ay sheegeen inay heshiis ka gareen doorashooyinka qof iyo cod…
Sida wararka aynu ku heleyno askari ka tirsan ciidamada booliiska ayaa galabta ku dilay agagaarka Isbitaalka Weyn ee magaalada Beledweyne Haweeney si weyn looga yaqiinay magaaladaasi, Maryan Afraxoow Guure Waa haweeneyda lagu dilay galabta gudaha magaalada Beledweyne lamana oga sababta ka dambeysa dilka uu askariga u geystay inkastoo wararka qaar ay sheegayaan goobta oo mashquul aheyd inuu askariga rasaas ku furanayay. Qeybaha Bulshada ee magaalada ayaa si aad ah kaga naxay geerida Maryan Afraxow Guure iyadoona si aad ah looga hadal hayo gudaha magaalada Beledweyne xarunta gobolka Hiiraan. Ciidamada amaanka magaalada Beledweyne ayaa gacanta ku soo dhigay askariga ka dambeeyay…
Dagaalyahano ka tirsan kooxda Alshabaab ayaa galabta saladdii Casar kadib weerar xooggan ku qaaday fariisimo ciidan oo ciidanka dadka deegaanka iyo kuwa xoogga dalka ay ku lahaayeen duleedka magaalada baladweyne, Dagaalka ayaa ka dhacay deegaanka Beerxaani oo 30km u jira magaalada Beledweyne, xarunta gobolka hiiraan. Ciidanka shabaabka ee soo weeraray deegaankaan ayaa la sheegayaa inay ka soo talaabeen jiinka wabiga dhinaca galbeed xigga halkaas oo ay ku xooggan yihiin kooxdu. Dagaalka oo hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday ayaa ilaa hadda aan la ogeyn khasaaraha rasmiga uu geystay inkastoo khasaaraha ugu badan uu kala gaaray dhinacyada dagaalamay. Xabado goosgoos…
Kullan Ay u dhammaan Mas’uuliyiinta gobolka Banaadir sida guddoomiyaha gobolka banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Ahmed Diiriye (Yabooh) Taliyaha qeybta guud ee Booliska Gaadhaanle Sare Mahdi Cumar Muumin iyo Taliyaha Nabadsugida Gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Muxiyadiin Warbac Shadoor. ayaa maanta ka dhacay xarunta degmada Howlwadaag.Ee gobolka Banaadir. Kullanka ayaa diiradda lagu saaray u diyaar garowga Qorshe Howleedka sanadka cusub ee 2023 iyo Qorshaha Wada-shaqeynta Laamaha Amniga iyo Maamulada Degmooyinkaasi. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Sheikh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa faray Maamulada Degmooyinka iyo saraakiisha Laamaha Amniga…
Maalinnimadii Shalay oo aheyd bilawga toddobaadka Sabti waxaa laga qaaay dalka Uganda dhammaan Xannibaadii saarneyd ee la xariirtay xanuunka Ebola. Yoweri Museveni Madaxweynaha Uganda ayaa qaaday dhammaan xannibaadaha la xiriira xanuunka Ebola, isagoo sheegay in dalka ku yaalla Bariga Afrika uu horumar ka sameeyay xakameynta cudurkaa dilaaga ah, Wuxuuna meesha ka saaray Mr Museveni xayiraaddii lagu soo rogay halkii xuddunta u ahey cudurka ee degmada Mubende, halkaas oo laga diiwaan geliyay 66xaaladood iyo 29dhimasho ah halka gobolka Kassanda isna laga helay 49xaaladood iyo 21dhimasho ah. Madaxweyne Museveni oo ka hadlay xayiraadda uu ka qaaday dalkiisa ayaa yiri””Hadda, ma jiro wax…
Mudane Xamse Cabdi Barre Ra’iisul Wasaaraha XFS kk oo hadal ka jeedinayay munaasabad lagu soo xirayay Maalinta Caalamiga ah ee la dagaalanka Musuqmaasuqa ayaa sheegay in Musuqmaasuqa uu yahay cudur xun oo ku dhaca dowladnimada. Wuxuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa “Musuqmaasuqa waa mid kamid ah cudurada ugu xun ee ku dhaca dowladnimada, musuqa wuxuu caqabad ku yahay hormar walba ee la sameyn lahaa, wuxuu caqabad ku yahay in laga faa’ideysan waayo kheyraadkii ay bulshada lahayd, bulshada ayuu kala fogeeyaa oo ku kala noolaada laba heer oo kala dheer” Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamase Cabdi Barre ayaa ballan qaaday inuu…
Mudane Maxamed Isxaaq Abdi Wasiirka wasaaradda amniga dowladda Koonfur Galbeed ayaa soo saaray awaamiir adag oo dhinaca amniga ah. Wasiirka ayaa faray dhammaan ciidamada xoogga dalka qeybta 60aad ee ku sugan magaalada beydhabo inay xeryahooda ku sugnaadaan oo aan ka soo bixi karin. Sidoo kale waxaa la faray Ciidamada daraawiishta booliiska koonfur/galbeed inaaney iyaga oo aan sidan dareeska lagu yaqiinay oo hub sita aysan magaalada u soo bixi karin. waxaana qoraalka uu soo saaray wasiirka ku sheegay in cidii jebisa awaamiirta in talaabo adag oo dhinaca sharciga laga qaadi doonno. Sidoo kale waxaa amaro la dul dhigay dadka rayidka ah…