Author: rbnnews

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa maanta Maamulka Gobolka Banaadir ku wareejisay shixnad gargaar ah oo dhan 3,800 oo Tan oo u dhiganta 150 kun oo Qoys kuwaas oo loogu talagalay in la gaarsiiyo dadka ay sameyeen fatahaadaha iyo daadadka El-Niño ee ku nool Muqdisho iyo deeganada hoostaga. Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa gargaarkaan ku wareejiyey Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha bulshada gobolka Banaadir Cabdicasiis Cismaan Maxamed, isaga oo balan qaaday in gargaarkaan dadkii u baahnaa ay gaarsiin donaan.

Read More

Xafiiska Arrimaha Dibadda, Barwaaqo-sooranka iyo Horumarinta (FCDO) oo Dawladda UK u qaabilsan horumarinta dibadda ayaa Soomaaliya ugu yaboohay qaddar dhaqaale oo dhan $9 Million oo dollar oo lugu biirin doono mashruuca ADRiFi ee Bangiga Horumarinta Afrika kaasoo hay’adda SoDMA fuliye ka tahay. Foreign Commonwealth and Development Office ayaa ballan-qaadkaan dhaqaale sameysay intii lugu guda jiray shirkii caalamiga ahaa ee lugu falanqeeynayay arrimaha is-beddalka cimilada – COP28 ee lagu qabtay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta. Tallaabadaan iyo deeqdaan dhaqaale ayaa gacan ka geysan doonta, maareynta musiibooyinka bani’aadannimo ee dalka oo ay abaarahu ugu horreeyaan muddo shan sano ah. Guddoomiyaha hay’adda SoDMA, Md.…

Read More

Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Wadahadallada DFS iyo Somaliland Mudane Abdikarim Hussein Guled ayaa xalay kulan wadatashi ah la qaatay qaar ka mid ah Golaha Wasiirada iyo Xildhibaanada Dowlad Goboleedka GALMUDUG, kulanka ayaan diirada lagu saaray dardar-galinta iyo dib u billaabidda Wadahadallada DFS iyo SOMALILAND. Ergeyga ayaa uga warbixiyay sooyaalka Wadahadallada iyo Muhiimadda ay ugu fadhiyaan Ummadda Soomaaliyeed, waxaana intaasi ka dib uu ka dhageystay firadahooda iyo doodaha ku xeeran arrintan, iyaga oo Ergeyga la wadaagay mas’uuliyiintu tallooyin aad u wanaagsan oo wax tar u leh Wadahadallada. Kulamadaan Wadatashiga ah ee lala qaadanayo qeybaha kala duwan…

Read More

Toogashadan waxay ka dhacay meel ku dhow xarun jaamacadeed oo ku taal magaalada Vermont ee dalka Mareykanka, sida u sheegay telefishinka CNN. Saddexda qof ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Hisham Awartani, Kinnan Abdel Hamid iyo Tahseen Ahmed. Waxay wax ka baranayeen saddex jaamacadood oo kala duwan oo ku yaal Maraykanka. Taliyaha booliiska Burlington Jon Mura ayaa sheegay in laba ka mid ah dhibanayaasha ay xaaladdoodu wanaagsan tahay; Midka saddexaadna waxaa soo gaaray dhaawacyo aad daran.

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee Isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo. Waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu warbixinno ku saabsan xaaladda caafimaad ka dhageystay dhakhaatiirta oo la wadaagay cabsida ay ka qabaan cudurro safmareen ah oo ka dhasha barakaca degdegga ah ee soo foodsaaray dadka deegaanka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Wasaaradda Caafimaadka XFS in wax laga qabto adeegyada uu u baahan yahay Isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo, maadaama laga cabsi qabo roobabka daadadka wata in ay sababaan cudurrada ka dhasha biyaha. Kormeerka ayaa waxaa Ra’iisul Wasaaraha ku wehelinayey Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland Mudane Axmed…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa xarigga ka jaray dhismaha xarunta cusub ee Wasaaradda Caafimaadka dowlad-goboleedka Jubbaland oo loo dhisay qaab-casri ah. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in hirgelinta xarunta cusub wasaaradda ay ku soo aadday xilli muhiim ah oo gobolka ay ka socdaan dadaallada wax ka qabashada cudurrada ka dhasha daadadka iyo fatahaadaha biyaha ee la xariira caafimaadka Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Wasaaradaha Caafimaadka heer federaal iyo heer dowlad-goboleed in heegan ay galaan, si looga hortago cudurrada faafa ee ka dhasha biyaha wasakhaysan, isla markaana ay…

Read More

Wararka naga soo gaaraya degmada Buuloburde ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in xaafadaha qaar ee degmadaasi oo ku fatahay wabiga shebeelle oo dhexmara degmadaasi. Xafadaha Bogabeyso,Indhaceel,Wadajir iyo Xajibuube ayuu karkaarada ka jabsaday Wabiga oo dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay waday Biyo aad u farabadan, waxaana laga cabsi qabaa inuu fatahaad hor leh uu ka sameeyo wabiga xafadaha Hanti-wadaag iyo October oo aan waligod biyo gaarin. Buundada degmada Buuloburde ayaa halis ugu jirto in ay go’do madaama Biyaha buux dhaafiyeen, waxaana shacabaka ay isticmaalayaan Doomama Matoorka ah. Wakiilwareedka Warbaahinta Qaranka ee Buulabarde ayaa soo warinayo in gudaha magaalada uu…

Read More

Guddi gaar ah oo Baarlamanka Puntland u xil-saaray ka shaqaynta xeerka doorashooyinka ayaa laga sugaya in ay xildhibaannada warbixintooda u jeediyaan, ka hor inta aysan bilaaban doodda wax-ka beddelka xeerka. Xeerkan oo ay Baarlamanka u soo gudbisay xukuumadda madaxweyne Deni ayaa jihaynaya hannaanka doorashooyinka qof iyo cod, oo aan heshiis lagu ahayn, islamarkaana xiisad siyaasadeed ka taagan tahay. Dowladda Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaridka ah ayaa ku muransan nooca loo galayo doorashada madaxtinimada 2024, iyadoo labada dhinac kala taagan yihiin nidaamka qof&cod iyo nidaamkii hore ee 66-da xildhibaan. Sidoo kale, waxa socda dadaal ay hormuud u yihiin isimada dhaqanka SSC oo…

Read More