Author: rbnnews

War – Saxaafadeed Jimce – 17 June 2022. Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa ku bogaadiyay maamulka, shacabka iyo culimada degmada Baxdo, ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo kuwa qalabka sida, sida geesinimada leh oo ay saaka iskaga difaaceen weerarkii ay argagaxisadu kusoo qaaday degmada Baxdo. Dowladda Galmudug ayaa ku ammaantay Ciidamada qalabka sida, maamulka iyo shacabka degmada Baxdo sida feejignaanta leh oo ay uga hortageen dhagar qabayaasha oo xogtooda la sii hayay, halkaasna ay kala kulmeen dharbaaxo, kagana carareen maydad gaaraya 70 oo ay kamid yihiin sedex ajaanib ah, hub iyo saanad fara badan iyo gaari ay ku diyaariyeen…

Read More

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa magaalada Muqdisho ku yeeshay shir labo maalmood socday. Shirka oo uu isugu yeeray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxaa ka soo qaybgalay Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta ee JFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynayaasha Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya; Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, Mudane Axmed Maxamed Islaam, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish). Iyadoo laga anbaqaadayo hal-kudhegii Madaxweynaha ee ahaa “Soomaali heshiis ah” ayaa ujeeddada ugu wayn ee shirka wuxuu ahaa sidii loo xoojin lahaa hannaanka…

Read More

Midawga Musharaxiinta Somalia Ayaa War Kasoo Saray Dad Dhawan Lagasobarakiciyay Magalada Lasacanod Ee Gobalka Sool Cidamo Ka Amar Qaata Maamulka Somalilnd Ayaa Dhawan Qoysas Somaliyeed Kasobarakiciyay Dagmada Lasacanood Ee Gobalka Sool Hogaanka Midawga Musharaxiinta Somalia Ayaa Kulan Ay Ku Yeeshen Magalada Muqdisho Kagahadlaya Xalada Kaso Cusbonatay Gobalka Sool. Midawga Musharaxiinta Somalia Ayaa Kahadlay Xojinta Iyo Isdhexgalka Midnimada Somalia Waxayna Shegeen inay Muhiimtahay Wada Nolashaha. Midawga Ayaa Kadigay Carqalad Iyo Daganasho Laa,an Dhinaca Deeganka Ah.

Read More