Author: rbnnews

Xaaji Cabdinuur Daruuro oo ka mid ah ganacsatada koonfur galbeed soomaaliya ayaa ku deeqey gargaarkaan raashiinka ah oo guddiga abaaraha gobolka bakool gaarsiiyeen shan boqol oo qoys oo ay ka soo xuleen kaamamka barakacayaasha magaalada xuddur. Deeqda oo ka kooban Bur, Bariis, Sonkor iyo Saliid ayaa la gaarsiiyay qoysaska danta yare e ku jira kaamamka barakacayaasha degmada Xudur,iyadoon qoysaska la gaarsiiyay deeqda rashiinka ah ay u mahadceliyen ganacsadaha soomaaliyeed ee gar’gaarka soo gaarsiiyay iyo waliba guddiga abaaraha ee Gobolka Gedo Guddoomiyaha degmada xuddur Maxamed Macalin Axmed iyo guddoomiye kuxigeenka maamulka iyo maaliyada gobolka bakool Cabdulaahi Maxamed Nuur ayaa sheegay in…

Read More

Xildhibaannada labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulan guud oo wadajir ah ayaa dood adag geliyay miisaaniyada Qaranka ee 2022. Ajandaha kulanka oo ahaa akhrinta labaad ee miisaaniyadda Qaranka 2022 ayay Xildhibaannadu dood iyo su’aalo geliyeen xisaab xirkii miisaaniyadda Qaranka sanadihii la soo dhaafay iyo miisaniyadda hortaala oo ay ku jiraan odoros miisaaniyadeed iyo mashaariic u baahan is waafajin iyo faahfaahin meelaha qaar. Guddiga KMG ee maaliyada Baarlamaanka ayaa soo gudbiyey warbixinta Odoroska qoondada 2022-ka, waxaana xildhibaanada Golaha Shacabka ay ka doodeen warbixinta miisaaniyad sanadeedka islamarkaana ay su’aalooyin ka weeydiiyeen wasiirka wasaaradda maaliyada Xukuumadda Xilgaarsiinta JFS mudane…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre iyo Ra’iisul Wasaaraha xilka wareejinaya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ay wehlinayaan wufuud kala duwan ayaa kormeeray xarunta cusub ee xukuumadda iyo Ra’iisul Wasaaraha oo oo heer gabo-gabo ah dhismaheedu marayo. Xarunta Oo Dhismaheedu Socday Labadiisane Udanbeysay Ayaa Laso Afjaray Waxana Lafilaya Inay Kushaqayndoonto Xukumada Cusun Ee Dhawan Lafilayo Inuu Sodhiso Mudane Xamse Cabdi Barre. RBN NEWS SOMALIA RBN NEWS SOMALIA RBN NEWS SOMALIA RBN NEWS SOMALIA

Read More

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Cabdicasiis Ibraahim Aada, ayaa maanta furay kulan wada-tashi ah oo loogga hadlaayey Wada-hadalka Dawladda iyo Ganacsiyada Gaarka ah ee iskaashatooyinka iyo Qeybaha Ururada Ganacsiga kaas oo ka qabsoomay magaalada Baydhabo ee xarunta u ah Dawlad Goballeedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Waxaana halkaas lagu soo bandhigay xor uruurin hore loogga sameeyey ganacsiyada yar-yar ee ka shaqeeya gudaha Baydhabo kuwaas oo diirada lagu saaray siyaabaha loo horumarin karo, caqabadaha jira iyo siddii ay u la jaan-qaadi lahaayeen iskaashatooyinka iyo ganacsiyada yar-yar ee ka jira caalamka. Barnaamijkan oo ay ka wada-shaqeynayaan Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha…

Read More

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare ee dalka ayaa maanta soo gaba-gabeysay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalada 12-aad oo si Siman loogu qaaday xarumaha waxbarashada ee maamulada dalka, kaasi oo ahaa mid mideysan oo dhamaan Dugsiyada Sare laga qaaday. Imtixaanka oo galay sanadkii 8-aad oo xariir ayaa lagu kala galay magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka, iyada oo Wasaaraddu ku guuleystay in sanad dugsiyeedkaan 2021-2022 ay si nabad ah ugu soo gaba-gaboobeyso. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare Cabdullaahi Abukar oo soo xiray Imtixaanka ayaa yiri “ waxaa aan ku guuleysanay in sanadkaan uu Ixtiraanku si nabad ah inoogu soo…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Serbia Mudane Aleksandar Vučić ayaa Warqadaha Aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsanaan doona Dalka Serbia Mudane Maxamed Cabdullahi Axmed. Dalalka Soomaaliya iyo Serbia waxaa ka dhexeeya Xiriir qoto dheer oo ku saabsan Iskaashiga labada dal, waxaana Danjire Maxamed Cabdullaahi uu La wadaagay Madaxweynaha Serbia Dhambaal Salaan ah oo uu ka waday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Xiriirka somalia iyo Serbia ayaa soo bilowday 62-sanno ka hor, waxaana Madaxweynaha Serbia Mudane Aleksandar Vučić uu sheegay in labada dal ay leeyihiin Taariikh iyo xiriir dheer. Dhinaca Kale Arintan Ayaa imanaysa Xili Dawladii Hore…

Read More