Author: rbnnews

Siciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa maanta furay shirweynaha Arrimaha diinta ee Puntland, kaas oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Cadaaladda, Dastuurka, Arrimaha Diinta iyo Dhaqancelinta Ee Dowladda Puntland, Waxaa shirweynaha ka qeybgalaya Culimaa’udiinka iyo Hay’addaha kala duwan ee Dowladda ee ku shaqo leh Arrimaha Diinta, Cadaaladda, Garsoorka, Amniga, Caafimaadka iyo Haweenka. Shirweynahaan ayaa qodobadda looga hadlayo kamid ah Nidaaminta iyo Horumarinta Dugsiyada Quraanka iyo La dagaalanka Maandooriyaha iyo Anshax xumada, Madaxweyne Deni Oo ka hadlay daah-furka shirka ayaa la wadaagay Bulshada in Shirarkan iyo Kuwa la midka ahba la ballaariyo islmarkaana laga qeybgeliyo Bulshada kala duwan,

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay, Suldaan Saciid Axmed, oo ah Mudane ka tirsan Baarlamaanka dalka Finland, ahna Ergayga cusub ee Finland u qaabilsan nabaddeynta Geeska Afrika. Ra’iisul Wasaaraha ayaa xildhibaanka kala hadlay kaalinta dowladda Finland ee ku aaddan taageerada barnaamijka xukuumadda ee dib u heshiisiinta iyo nabadda. Mudane Suldaan Saciid Axmed, oo ah qofkii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee loo doorto baarlamaanka Finland, ayaa dhowaan waxaa loo magacaabay xilka cusub ee ah in wasaaradda arrimaha dibedda ee Finland uu u qaabilsanaado nabadeynta iyo dhexdhexaadinta gobolka Geeska Afrika RBN NEWS SOMALIA

Read More

RBN NEWS SOMALIA Ciidamo katirsan howlgalka Midowga Afrika ee Atmis Ayaa Maanta Qarax lagula Eegtay Isgoyska Cali Kamiin degmada Wartanabadda ee Gobolka Banaadir. Dadka Deeganka Oo Ka Agdhawa Goobta Uu Qaraxa Kadhacay Ayaa Warbahinta u sheegeen in qaraxa uu haleelay mid kamid ah Gaadiidka Ciidamada, isla markaana uu jiro khasaaro dhaawac ah oo Ciidamada iyo dad Shacab ah kasoo gaaray qaraxa. Sidoo kale qaraxa kadib ayaa Ciidamada Atmis waxaa ay fureen rasaas farabadan, taas oo aan weli la xaqiijin khasaaraha kasoo gaaray dadka Shacabka ah waxaana muddo Daqiiqada  ah ay Ciidamada hakad geliyeen isku socodka dadka iyo Gaadiidka ee Isgoyska…

Read More

RBN NEWS SOMALIA Ciidanka Kumaandooska Danab XDS Gaar ahaan Ururka 5-aad Guutada 16-aad Danab ayaa Hawlgal Qorshaysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab ka sameeyey degaanka labakuus oo ka tirsan Gobolka Jubbada hoose. Degaankan ayey AL Shabaab ku lahayeen bar kontarool oo ay lacag uga qaadan jireen shacabka & gadiidka mara degankan waxana sidoo kale goobta ku taalay meel lagu kaydiyo waxay ugu yeedhan sakawadka oo xooloha shacabka Somaliyeed. Hawlgalkan ayaa intii u socday waxa lagu dilay 5 Xubin oo uu ka mid yahay Horjoogihii Al shabaab u qaabilsana sanaa dhinaca maaliyada ee degaankan oo magaciisa lagu soo koobay…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka ee Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta qaabilay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Larry Andre oo ay ka wada hadleen xoojin xiriirka iyo wada shaqeynta u dhaxeysa labada dal ee Soomaaliya iyo Mareykanka. Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyay dowladda Mareykanka taageerada ay siiso Soomaaliya, isaga oo sheegay in xukuumaddiisa cusub ay sii wadi doonto wadashaqeynta — isla markaana ay xoogga saari doonto sugidda amniga dalka RBN NEWS SOMALIA

Read More

Madaxweynaha Janhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay ku hoyday dalka Jabuuti ayaa la filayaa in Maanta Gelinka dambe uu tago Magaalada Addis Ababa. Madaxweynaha ayaa ka hor inta uusan ka tegin dalka Jabuuti waxaa uu hadal ka jeedin doonaa Xarunta Baarlamaanka Jabuuti, si uu uga xog warramo xaaladda dalkeenna iyo duruufaha ku xeeran, ahmiyadda xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo doorkooda wadajirka ah ee ku aaddan horumarka iyo xasilinta Gobolka. Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa markii uu tago Magaalada Addis Ababa waxaa uu kulan la qaadan doonaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, iyaga oo ka…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa xalay ka qeybgalay casho sharaf si heer sare ah loo soo agaasimay oo ka dhacday Qasriga Madaxtooyada Jabuuti oo uu ku maamuusay Madaxweynaha dalkaas Mudane Ismaaciil Cumar Geelle. Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa intii ay socotay casho sharafta waxaa uu billad sharafta ugu sarreysa ee ay bixiso Dowladda Jabuuti guddoonsiiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud isaga oo ku mutaystay kaalintiisa xoojinta xiriirka facawayn ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhankiisa uga mahadceliyey Madaxwaynaha iyo shacabka Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti billad sharafta…

Read More