Author: rbnnews

Siihayaha xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda ahna Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Balal Maxamed Cusmaan , ayaa xafiiskiisa Wasaaradda kaga guddoomay waraaqaha aqoonsiga Wakiilka cusub ee Sanduuqa Qaramada Midoobey ee Daryeelka Caruurta (UNICEF) u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Wafaa ElFadil Saeed Abdelatef. Intii lagu guda-jiray kulanka qaabilaadda, ayaa waxaa lagaga wadahadlay dhowr qodob oo muhiim u ah labada dhinac oo ay ka mid yihiin sare u qaadidda iskaashiga mira-dhalka ah iyo xoojinta wadashaqaynta xooggan ee Soomaaliya kala dhexeeya Qaramada Midoobey iyo hay’adaheeda gaarka ah si loo gaaro ujeeddada la hiigsanayo oo macno wax ku ool ah ku…

Read More

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo wafdi uu hoggaaminyo ayaa goordhaw gaaray degmada Doolow ee Gobolka Gedo Ergayga ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha ee Doolow ku soodhaweeyay xubna katirsan maamulka degmad.waxana inta uu joogo halkaasi kormeer ku tagi doonaa xerooyinka ay ku jiraan qoysaska barakacayaasha ah,isagoona sidokale warbixino ka dhageeysan doon maamulka degmada taa oo la xiriirto xaalada abaaraha ka jira Gobolka Gedo Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa horay u booqaday degmada Buulo Burde…

Read More

Ururka Dulimad Yada Dalka Ee (AOA) Ayaa Shegay Inay Hakiyeen Dulimadyada Diyaradaha Muqdisho. Ururka Ayaa Lagabilabo Malinta Bariye Tariikhduna Tahay 19/06/2022 Hakiyay Dulimadyada Waxayna Sababta Kusheegen Inay Tahay Aminidaro Sofodsartay Diyaradaha Kashaqeeyada Garonka Waxayna Sheegen In Hay,ada Dulista Hawada Wax Kaqaban Weysay Arimaha Amniga Diyaradaha Garonka Muqdisho. RBN NEWS SOMALIA

Read More

Mid ka mid ah TV-yada Ruushka ayaa Jimcihii shalay baahiyay muuqaallo ku saabsan muwaadiniin Mareykan ah oo lagu la’aa dalka Ukraine, dadkan ayaa la sheegay in halkaasi ay u tageen si ay ugu dhinac dagaallamaan ciidamada Ukraine. Warbaahinta Mareykanka ayaa horay u sheegtay in la la’yahay muwaadiniintan, sidoo kale ehelada dadkan ayaa dhankooda sheegay inaysan ogeen halka ay ku danbeyeen. Waaxda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay in ay jiraan xog ku saabsan saddexdan muwaaddin oo sheegeysa in lagu lagu la’yahay gudaha Ukraine

Read More

War – Saxaafadeed Jimce – 17 June 2022. Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa ku bogaadiyay maamulka, shacabka iyo culimada degmada Baxdo, ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo kuwa qalabka sida, sida geesinimada leh oo ay saaka iskaga difaaceen weerarkii ay argagaxisadu kusoo qaaday degmada Baxdo. Dowladda Galmudug ayaa ku ammaantay Ciidamada qalabka sida, maamulka iyo shacabka degmada Baxdo sida feejignaanta leh oo ay uga hortageen dhagar qabayaasha oo xogtooda la sii hayay, halkaasna ay kala kulmeen dharbaaxo, kagana carareen maydad gaaraya 70 oo ay kamid yihiin sedex ajaanib ah, hub iyo saanad fara badan iyo gaari ay ku diyaariyeen…

Read More

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa magaalada Muqdisho ku yeeshay shir labo maalmood socday. Shirka oo uu isugu yeeray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxaa ka soo qaybgalay Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta ee JFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynayaasha Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya; Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, Mudane Axmed Maxamed Islaam, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish). Iyadoo laga anbaqaadayo hal-kudhegii Madaxweynaha ee ahaa “Soomaali heshiis ah” ayaa ujeeddada ugu wayn ee shirka wuxuu ahaa sidii loo xoojin lahaa hannaanka…

Read More

Midawga Musharaxiinta Somalia Ayaa War Kasoo Saray Dad Dhawan Lagasobarakiciyay Magalada Lasacanod Ee Gobalka Sool Cidamo Ka Amar Qaata Maamulka Somalilnd Ayaa Dhawan Qoysas Somaliyeed Kasobarakiciyay Dagmada Lasacanood Ee Gobalka Sool Hogaanka Midawga Musharaxiinta Somalia Ayaa Kulan Ay Ku Yeeshen Magalada Muqdisho Kagahadlaya Xalada Kaso Cusbonatay Gobalka Sool. Midawga Musharaxiinta Somalia Ayaa Kahadlay Xojinta Iyo Isdhexgalka Midnimada Somalia Waxayna Shegeen inay Muhiimtahay Wada Nolashaha. Midawga Ayaa Kadigay Carqalad Iyo Daganasho Laa,an Dhinaca Deeganka Ah.

Read More