Kadib Kormeer Uu maanta ku tagay Sh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ku simaha madaxweynaha Soomaaliya ahna guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka ee soomaaliya taliska qeybta 60-aad ee Gobolka Bakool waxa uu faray saraakiisha taliska inay si deg deg ah ku bilaabaan dagaalka ka dhan ah kooxda Alshabaab.

Sidoo kale Ku-simaha Madaxweynaha Sheekh Aadan Maxamed ayaa booqday cutubyo cusub oo tababar ugu socday magaalada Xudur wuxuna ku dhiirageliyay dalka iyo dadka si daacad ah in loogu shaqeeyo.


Dhankooda Saraakiisha Ciidanka Xoogga ayaa Ku-simaha Madaxweynaha warbixin ka siiyay xaalada ciidanka qaranka kuwooda ku sugan gobolka Bakool. waxayna ballan qaadeen in ay ka xorreyn doonaan kooxda Alshabaab meelaha ay ka joogaan gobolka.

https://rbnnews.net/wp-content/uploads/2022/12/10000000_134234316126320_1047940341755797501_n.mp4
Share.

Leave A Reply