Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ee SoDMA, Md. Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta xarunta Safaaradda Chine ee Muqdisho waxa uu kula kulmay ku simaha Xilka Safiirka Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya Mr. Chen Wendi.

Kulanka oo ahaa mid wadatashi ah ayaa hay’adda waxa ay safaradda uga mahadcelisay garab istaagoda walalnimo ee ay ka geysteen u diyaar garowga roobka gu’ga iyo sidii loo samata-bixin la ahaa shacabka Soomaaliyeed, in la sii xoojiyo xiriirka labada dhinac, iyadoo dhanka kale China ay ku celisay markale in garab taaganyihiin shacabka Soomaaliyeed, gargaaro kuwii hore ka badana ay soo garsiin donaan.

Dowladda Shiinaha ayaa afar magaalo oo kala ah Doolow, Baydhabo, Baladweyn iyo Gaalkacyo waxa ay ka caawisay in dantayar ee ku nool ay garsiiso gargaar deg-deg ah oo ka kooban alaabta maacuunta, bacaha roobabka looga okorto, jingado iyo qalabkii lagu dhisi la ahaa, iyadoo wali degmada Doloowna ka wado biyo xireeno loo sameeynaayo wabiga Jubba ee mara degmadaas, si looga hortago fatahaad uu sameeyo wabiga.

Share.

Leave A Reply