Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminaayo, ayaa gaaray magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen, Wasiirka Arrimaha Dibedda kenya Musalia Mudavadi, Wasiirka Difaac Kenya Aadan Barre Ducaale ,Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS Mudane Axmed Macalin Fiqi , xubno ka tirsan Dowladda Kenya iyo Safiirka Soomaaliya ee kenya Jabriil Ibraahim Cabdulle.

Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku qotoma adkaynta xiriirka labada dal, horumarinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, Socdaalka ,amniga gaar ahaan la dagaalanka khawaarijta, dalxiiska, caafimaadka, iyo waxbarashada

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa inta uu joogo Kenya waxa uu la kulmi doonaa Madaxda Kenya iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Kenya, isaga oo la wadaagaya fursadaha maalgashi ee ka jira dalka, qorshaha dowlad dhiska, la dagaallanka khawaarijta iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Share.

Leave A Reply