Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale)guddoomiyaha gobolka Banaadir Ahna duqa Magaalada Muqdisho ayaa maanta ku wareejiyay Lacag dhan 140-Kun oo Dollar (Boqol iyo Afartan kun oo Doolar) Maamulaha guud ee Shirkadda dhismaha Kulmiye Cabdiqaadir Abuukar Cumar Cadaan, lacagtaas oo ah wajiga labaad ee loogu talagalay in lagu dardargaliyo dhameystirka dhismaha Biya-mareenka Ceel-Qalow ee Degmada Wadajir.

Sanado badan bulshada degmadaan ayaa la daala dhacayay biyo mareenkaan oo xilliyada roobabka kala xera isu socodka xaafadaha ceel-qalow halka mararka qaarkii oo biyaha roobabka ay ka bataanna xaafadaha godka ah uu ku rogmanayay.

Share.

Leave A Reply