Tan iyo markii Ciidamada dowladda soomaaliya iyo dadka deegaanka ay kala wareegeen kooxda Alshabaab Degmada Aadan-Yabaal Ee gobolka sh.dhexe.ma aysan tagin wafuud heer caalami ah oo ka socda dowladda soomaaliya marka laga reebo xildhibaannada deegaan doorashadooda ay tahay gobolkaasi iyo saraakiisha kala duwan Ee Ciidanka xoogga dalka.

Wafdi Heer Caalami ah Oo uu hogaaminayo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamze Cabdi Barre ayna ka mid yihiin wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.ayaa maanta gaaray markii ugu horeysay Aadan-Yabaal kadib la wareegidda Ciidanka Xoogga.

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Xuseen. saraakiisha ciidamada.iyo qeybaha bulshada.ayaana si weyn ugu soo dhaweeyay magaalada Aadan Yabaal wafdiga ra’iisul wasaaraha.


Kadib markii loo gudbiyo aqalka martida ee degmada Aadan-Yabaal Ra’iisul wasaaraha ayaa kulamo la yeelan doona madaxda dowlad goboleedka Hirshabelle iyo saraakiisha ciidamada iyo odiyaasha dhaqan ku sugan degmadaasi.

Share.

Leave A Reply