Ururka Jaamacadda Carabta ayaa Axadi shaaciyay shir deg deg ah oo dhanka fogaan aragga ah, kaas oo looga hadlayo khilaafka u dhaxeeya dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya ,kadib heshiiskii is-afgarad ee Addis Ababa ku dhex maray Itoobiya iyo jamhuuriyadda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland.

Ku xiigeenka xoghayaha guud ee jaamacadda carabta, Hossam Zaki, ayaa sheegay in ururku shirkaas qaban doono manta, 17-da bishan Janaayo, sida ay ku soo warrantay wakaaladda wararka dalka Masar ee MENA.

Zaki ayaa sheegay in shirka diiradda lagu saari doono cawaaqibka ka dhalan kara heshiiska ‘sharci darrada ah’ ah ee dhex maray Somaliland iyo Itoobiya.

Waxaa uu sheegay in Morocco ay shir gudoomin doonto shirkaasi, isagoo intaa ku daray in go’aanka qabsoomidda shirka uu ku yimid codsi ka yimid Soomaaliya oo ay taageereen ilaa 12 dal oo Carbeed.

Waxaa uu sidoo kale xoojiyay taageerada uu ururka hore ugu muujiyay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, kadib heshiiskii is-afgarad ee Somaliland iyo Itoobiya.

Qoraal hore uga soo baxay ururka Jaamacada Carabta ayaa lagu yiri “ma aqbali doonno” heshiis kasta oo wax u dhimaya madax-bannaanida Soomaaliya.

Kamal Rushdi, oo ah afhayeenka Jaamacadda Carabta, ayaa yidhi, “Jaamacadda Carabta waxay si buuxda u taageersan tahay qaraarkii kasoo baxay golaha wasiirrada Soomaaliya ee lagu caddeeyay mowqifka Soomaaliya ee heshiiska is-afgaradka ah ee ay wada gareen Itoobiya iyo Somaliland.

Share.

Leave A Reply