Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha waddo laami ah oo isku xiraysa wasaarada arrimaha dibada iyo masjidka minaaradaha ee degmada Hodan, kaas oo ay iska kaashanayaan dadka deegaanka iyo maamulka degmada Hodan.

Munaasabadda dhagax-dhiga waxaa goob-joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka hawlaha guud ee gobolka Banaadir, mudane Xasan Maxamed Jimcaale, guddoomiyaha degmada Hodan, mudane Cali Fahle, odayaasha-dhaqanka, ganacsato iyo qaybaha bulshada.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kula dardaarmay bulshada caasimadda in ay ka qayb-qaataan dib-u-dhiska magaalada iyo bilic soo celinteeda.

Share.

Leave A Reply