Wasaaradda Waxbarashada Galmudug ayaa dugsiga hoose dhexe iyo sare ee degmada Xarardheere ugu magac dartay Shahiid Cabdi Maxamed Sheekh Xasan (Suul Nuug), kaddib soo jeedin ka timid Madaxweynaha dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.

Madaxweynaha Galmudug ayaa magac bixinta Iskuulkan ka shaaciyay munaasabad lagu xusayay sanadguuradii 1-aad ee kasoo wareegatay markii Dowlada la wareegtay degmada Xarardheere ee dowlad goboleedka Galmudug.

Share.

Leave A Reply