Ciidamo hubeysan Oo ka tirsan Daraawiishta koonfur/galbeed ayaa saaki aroortii howlgallo ka sameeyay deegaano kooxda Alshabaab kaga sugnaayeen gobolka Bay.

Howlgallaada ayaa ka dhacay Deegannada Daynuunaay iyo Moodo-moodo kuwaas oo ka tirsan gobolka Bay.

Qoraal lagu baahiyay goordhaw warbaahinta afka dowladda ku hadasaha ayaa lagu sheegay in ciidanka xoogga dalka ay si buuxda deegaanadaas kala wareegeen Alshabaab.

“Ciidanka xoogga dalka oo khawaarijta kala wareegay Gacan ku haynta degaannada Daynuunaay iyo Moodo moodo oo katirsan Gobalka Baay kuwaas oo muhiim u ah isku socodka Baydhabo iyo Buur-hakaba”.

Share.

Leave A Reply