Qoraalo lagu baahiyay warbaahinta dowladda soomaaliya ayaa lagu sheegay in dagaal xooggan oo ka dhacay duleedka degmada Mahadaay inay ku dileen Xubno Shabaab ah.

“Ilaa iyo 31 xubnood oo ka tirsan tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay, tiro kalena waa lagu dhaawacay howlgal qorshaysan oo ciidanka gaarka ah ee Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen galbeedka deegaanka Obaale oo hoos taga degmada Mahadaay ee gobalka Shabeellada Dhexe”.

Sidoo kale Warbaahinta dowladda ayaa tilmaamtay sababta howlgalka uu ku bilawday.
“Howlgalkaan ayaa lagu beegsaday maleeshiyaad Khawaarij ah oo doonayay inay u gurmadaan Khawaarij kale oo ciidanka xoogga dalka iyo geesiyaasha deegaanka ay ku jebiyeen bariga deegaankaan Obaale”.

Maalmihii ugu dambeeyayba warbaahinta dowladda ayaa baahineysay tiro dagaalamayaal shabaab ah iney ku dileen fagaaraha dagaalka walow weli warbaahinta aanan loo soo bandhigin meydadka dagaalamayasha ay dileen.

Share.

Leave A Reply