Kadib safar shaqo oo uu shalay ku gaaray magaalada Xudur Ee Xarunta gobolka Bakool ku simaha madaxweynaha soomaaliya ahna guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) waxa uu maanta gudaha magaaladaasi kulama kula qaatay duubabka dhaqanka ee gobolka Bakool.

Waxa ay ugu horreyn warbixin ka siiyeen Golaha odayaasha dhaqanka ee Gobolka Bakool guddoomiyuhu xaalada deegaanka oo ay dhaqanku sheegeen inay aad u cakiran tahay, Maadaama dhammaan magaalooyinka iyo deegaannada gobolka ay go’doomiyeen kooxda Alshabaab.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS. Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa dhankiisa duubabka dhaqanka Gobolka Bakool u ballan qaaday xureynta deegaanada ay kaga suganyihiin Gobolka Bakool kooxda Alshabaab.

Share.

Leave A Reply