Hamza Abdi Barre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku saabsan arimaha sugidda amniga magaalada Muqdisho la qaatay maamulka cusub ee Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Yusuf Xuseen Jimcaale (Maddaale) oo hogaaminayay mas’uuliyiinta ka socotay maamulka gobolka banaadir ayaa ugu horeynba kaga warbixiyay ra’iisul wasaaraha soomaaliya shaqooyinka ka socda gobolka iyo dardar-gelinta uu maamulka cusub ku wado howlaha mudnaanta u leh, gaar ahaan sugidda amniga magaalada .

Ra’iisul Wasaaraha Xamza ayaa dhankiisa kula dardaarmay maamulka cusub ee gobolka inay abaabulaan bulshada oo ay ku baraarujiyaan halista kooxda Alshabaab si bulshada kaalinteeda u qaadato oo laamaha amniga iyo maamulka gobolka ay garab ugu siiyaan ciribtirka kooxaha amni darada ku howlan.

Sidoo kale Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa guddoonka gobolka u sheegay muhiimadda ay leedahay in feejignaan dheeri ah la sameeyo, islamarkaana sare loo qaado dadaallada lagu horumarinayo amniga caasimadda, maadaama koox Alshabaab suuragal ay tahay inay ku soo dhuuntaan magaalooyinka oo ay caasimaddu ugu horreyso maadaama deegaano badan laga saaray..

Mari sharafta kulanka sidoo kale awaxaa qeyb ka ahaa Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiiru Dowlaha Amniga Gudaha, Maxamed Cali Xagaa iyo Wasiir Ku Xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Cabdiraxmaan Yusuf Cumar al-Caddaala, .

Share.

Leave A Reply