Wadanka Mozambique Ee dhaca koonfur bari qaaradda afrika ayaa dab qabad siiyay 10,000 Oo ah Waxyaabaha la isku cadeeyo. Iayadoona dhammaan xarumaha lagu iibiyo looga digay iney ka ganacsadaan waxyaabahaasi.

Go’aanka ay qaadatay dowladda Mozambique ayaa yimid kadib markii Midowga Yurub ay soo saareen digniino halis ah Oo la xirriirta isticmaalka waxyaabaha midabka dooriya.

Dowladda ayaa shacabkeeda u sheegtay inay walxahaan la isku cadeeyo ay ku jiraan walxo keeni kara cudurka kansarka, sidoo kalena sababi kara dhalmo la’aan.

Sheila Mercis, oo ah kormeere ka tirsan hay’adda sharciyeynta dawooyinka ee dalka Mozambique ayaa sheegtay in Horraantii Sebtembar, Midowga Yurub ay soo saareen digniinta ku aadan waxyaabahani.

Halisyo caafimaad ayaa looga cabsanayaa inay soo wajahdo gabdhaha midabkoodii dooriyay xilliyada uurka ay yeeshaan iyo marka ay nuujinayaan.sababtoo ah khatarta waxyaabahani waxa ay soo wajahdaa qofka isticmaala mudo sanado ah.

Waxyaabaha maqaarka lagu caddeeyo waxay inta badan ka kooban yihiin maaddooyin sun ah Oo Kiimiko ay ku jirto. iyadoo marka la isticmaalo muddo dheer ay ka dhalan karaan khataro caafimaad oo aad u daran maadaama ay awood u leeyihiin inay waxyeello u geystaan maqaarka, waxayna sidoo kale sababi karaan xanuuno nafta halis ku ah.

Share.

Leave A Reply