Maleeshiyaad hubeysan ayaa la soo warinayaa inay ku toogteen gudaha degmada Caabudwaaq Ee Gobolka Galgaduud Nin ganacsade ahaa iyaga oo toogasho kadibna goobta isaga baxsaday,

AUN Maxamuud Cabdinuur waxa uu ahaa ninka ay toogteen maleeshiyaadka hubeysnaa waxaana la xaqiijinayaa in bartamaha magaalada caabudwaaq ay ku dileen xilli uu ku sugnaa goob uu Kaalin Shidaal kulahaa.

Goobjoogayaal la hadlay Warbaahinta RBN Ee Magaalada Muqdisho ayaa inoo sheegay in falkaan dilka ah uu la xariiro beegsiga aanooyinka qabiil ee mudooyinkii dambaba ka taagnaa magaaladaasi,

Laamaha Amniga degmada Cabudwaaq ayaa gaaray goobta uu falka dilka ka dhacay, iyaga oo baadi goobaya dadkii ka dambeeyay inkastoo aysan ku guuleysan inay soo qabtaan, kooxdii ka dambeysay,hase yeeshee meydka AUN Maxamuud Cabdinuur Ganacsada ayey goobta ka qaadeen.

Share.

Leave A Reply