Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale)guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa magaalada muqdisho ayaa maanta ka dhageystay warbixino ay ku soo gudbinayeen Xaaladaha degmooyinka maamulada iyo saraakiisha Amniga ee maamula Degmooyinka dhaca qeybta Galbeed ee Gobolka Banaadir.

Kulankaan ayaa waxa uu maanta ka dhacay  xarunta Degmada Dharkeenley Ee gobolka banaadir.

Waxaana goobjoog ka ahaa kulanka guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Ahmed Diiriye Yabooh iyo Taliyaha qeybta guud gobolka Banaadir ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin.

Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale)guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa magaalada muqdisho ayaa ugu dambeyntii faray Maamulada iyo saraakiisha Amniga ee Degmooyinka xiga qeybta Galbeed inay dardargaliyaan horumarinta Degmooyinka ay maamulaan iyo inay wax ka qabtaan kiisaska Amniga la xariira ee ka dhaca degmooyinkaasi.

Share.

Leave A Reply