Sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Afhayeenka dowladda Islaamiga ah Ee Afghanistaan Waxaa ka socda hotel kuyaala gudaha magaalada Kaabul Weerar ku bilawday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa.

Waxaa la maqlayaa gudaha hoteelka  dhawaqa rasaasta kaas  oo ay isu adeegsanayaan ilaaladii hoteelka ku sugneyd iyo dagaalyahanada hoteelka soo weerartay.

Hoteelkaan qaraxa lala eegtay ayaa la sheegayaa inay degenaayeen  dad ajaaniib ah kuwaas oo dhalashadooda lagu sheegay iney  ka soo jeedaan dalka Shiinaha.

Inta la xaqiijiyay saddex ruux ayaa iminka weerarka ku dhimatay inkastoo tirade khasaaraha intaas ay ka sii badan karaan.

Ururka Taalibaan Oo xukuma dalkaasi ayaa u muuqda mid ku fashilmay sugidda amniga dalkaas iyadoona kadib la wareegiddii talada dalkaasi uu weli ka socda gudaha magaalada caasimadda ee kaabul weerarada qaraxyada oo ay fulinayaan kooxda daacish ee dagaalka uu kala dhaxeeyo taalibaan.

Share.

Leave A Reply