CabdulFataax Khaasim Maxamuud Wasiir ku  xigeenka Wasaaradda gaashaandhigga soomaaliya ayaa maanta magaalada Doxa Ee Caasimadda dalka Qatar kaga qeybgalay Munaasabadda 12 December Oo ku beegan maalinta xoriyadda dalkaasi.

Wafuud kale Oo ka tirsan xukuumadda federaalka soomaaliya ayaa sidoo kale Iyana qeyb ka ahaa kuwaas oo casuumaad ka helay madaxda dalka Qatar.

CabdulFataax Khaasim Maxamuud Wasiir ku xigeenka wasaaradda gaashaandhigga soomaaliya Ayaa kaga hambalyeeyay dowlada Qatar Maalintooda xuriyada wuxuuna ku bogaadiyey Sida Hagar La’aanta ah Ee ay u garab taagan yihiin  dowladda Soomaaliya.

Share.

Leave A Reply