Waxaa maanta Oo Talaada ah ka furmay dalka mareykanka  shir madaxeedka aadka u ballaaran ee u dhaxeeya  Maraykanka iyo dalalka Afrika,

Shirkaan Oo ay soo agaasintay dowladda mareykanka ayaa looga hadlayaaa arimo dhowr ah oo ay qeyb ka tahay” sidii loo ballaarin lahaa iskaashiga wakhtiga dheer soo socday ee u dhexeeya Maraykanka iyo Afrika, iyo in la horumariyo danaha ay labada dhinac wadaagaan, iyo kor u qaadida codadka Afrika si ay si wada jira uga hadli karaan caqabadaha horyaalla xilligan”

Waxaa shirkan ka furmay maanta dalkaasi mareykanka lagu casuumay oo ka qeybgalaya wafuud gaareysa illaa 50Ruux Oo kala metelaya dalalka Afrika iyo ururka Midawga Afrika,

Balse shan dal oo afrika ah Ayaan ka qeybgali doonin shirkani sida Aqalka Cad ee dalka Maraykanka looga arimiyo uu sheegay waxaana  ka mid ah Burkina Faso, Mali, Guinea iyo Sudan, iyada oo sababta aan dalalkan loo casumin lagu sababeeyey, maadaama uu ururka Midawga Afrika uu hakiyey xubinimadii dalalkan, ka dib markii sifo aan sharci ahayn loo bedelay xukuumaddii dalkaas ka ariminaysay. Sidoo kale waxaa liiska dalalka aan la casumin ku jira dalka Eriteria oo aan xidhiidh diblomaasiyadeed la lahayn Maraykanka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa qeyb ka ah marti sharafta shirkaasi lagu casuumay isagoona isla shalayba gaaray dalkaasi.

Sarkaal Maraykan ah ayaa u sheegay warbaahinta maxalliga ah in laga yaabo in shirka ay  ka soo baxaan go’aano iyo hindisayaal waaweyn, ka dib marka uu dhamaado saddexda maalmood ee loo  qorsheeyey.

Waxeyna shirkani ku soo aadeysaa xilli saacado un kahor dowladda mareykanka ay ugu yabaahday dalalka afrika lacag gaareysa illaa $55 bilyan oo dollar, saddexda sano ee soo socota.

Share.

Leave A Reply