Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Oo ku sugan magaalada Xudur Ee Xarunta gobolka Bakool Ayaa kulamo uu halkaasi kula qaatay saraakiisha ciidanka Xoogga faray iney deegaanada gobolkaasi ay ka bilaabaan howlgalka ka dhanka ah alshabaab ee ka socda gobolada dalka.

Ku Simaha Madaxweynaha soomaaliya.ayaa Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Booliska ee magalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool Sidoo kale ku boggaadiyay sugidda amniga deegaanada gobolka Bakool.

Saraakiisha ciidanka Qeybta 60-aad Guutada 9-aad ee ku sugan degmada Xudur Gobolka Bakool Ee kulanka la qaatay Sh Aadan Madoobe ayaa dhankooda ku amaanay guddoomiyaha sida uu u garab taagan yahay marwalba ciidanka xoogga dalka.

Waxeyna balan qaadeen iney sii laba jibaari doonaan howlgallada ka dhanka ah alshabaab eek a socda deegaanada gobolka Bakool.

Share.

Leave A Reply