Mudane Xamza Cabdi Barre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa xalay  magaalada Muqdisho kaga qeyb galay munaasabadda xuska maalinta qaranimada Qatar Oo ku beegneyd shalay 12-December.Waxa uuna hambalyo u diray guud ahaan shacab weynaha dalka Qatar iyo madaxdooda.

Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa sidoo kale munaasabadda xalay lagu qabtay magaalada muqdisho ka sheegay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka walaaltinimo ee soo jireenka ah ee ka dhexeeya dowladaha Qatar Iyo Soomaaliya iyo labada shacab ee walaalaha ah.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa dowladda Qatar ugu hambalyeeyey sida wanaagsan ee ay ugu guuleysatay marti gelinta Koobka Kubadda Cagta ee Adduunka 2022.

https://rbnnews.net/918d1326-e5bf-44a5-9534-e30aad7d99f4
Share.

Leave A Reply