Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la qaatay danjiraha dalka Ingiriiska Ee Soomaaliya Marwo Kate Foster.

Amb. Kate Foster danjiraha dalka Ingiriiska Ee Soomaaliya ayaa Guddoomiyaha Golaha la wadaagtay in si weyn u soo dhaweyneyso dowladooda shirka dib u heshiisiinta uu ku baaqay Guddoomiyaha kaas oo dhawaan la filayo inuu ka dhaco magalada Baydhabo ee Xarunta Kumeel gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Ku-simaha Madaxweynaha soomaaliya ahna  Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka ayaa boggaadiyay dadaalada dowladda Ingiriiska ay ku taageereyso dowladda Soomaaliyeed iyo garab istaaga shirka dib u heshiisiinta deegaannada Koonfur Galbeed.

Share.

Leave A Reply