Madaxweynaha hirshabelle Cali guudlaawe Xuseen oo safar ku joogga magaalada Moqokori Ee gobolka Hiiraan ayaa maanta halkaasi ka dhagax dhigay xarun isbitaal oo ay yeelan doonto.

Madaxweyne Cali Guudaawe oo uu wehliyo Madaxweyne Ku Xigeenka maamulkaas Yuusuf Axmed Hagar ayaa Munaasabad ka dhacday Moqokori si wadajir kaga dhagax  dhigay isbitaalka degmadaasi ay yeelan doonto.

Sidoo kale waxaa munaasabadda goob jog ka ahaa Xubno ka socday labada gole ee maamulka, Gudoomiyasha Gobollada Hiiraan, iyo Shabeellaha Dhexe iyo Masuuliyiin kale.

Madaxweyne guudlaawe ayaa bulshada moqokori u sheegay in isbitaalkaan uu wax badan ka qaban doono baahiyaha caafimaad ee ka jira moqokori iyo nawaaxigeeda.

Share.

Leave A Reply