Sida lagu daabacay Telefishinka (ZNBC)  ka soo baxa dalka Zambia meydadka 27qufood Oo Tahriibayaal Itoobiyaan ah ayaa laga helay deegaanka Meanwood Khosi ee dhaca duleeedka caasimada Zambia ee Lusaka,

DANNY MWALE  Oo ah Ku xigeenka afhayeenka booliska  ayaa warbaahinta u sheegay in hal qof oo kaliya la helay isagoo nool kaasi oo loola cararay isbitaalka,

Inkstoo warar kala duwan ay sheegayeen inay ku jiraan dad soomaali ah hadana lama xaqiijin weli,maadaama Mr MWALE Ku xigeenka afhayeenka booliska  oo goor sii horeysay la hadlay telefishinka dalkaasi ZNBC News uu sheegay in dadka dhintay ay ka soo jeedaan Soomaaliya Itoobiya.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay afhayeenka booliiska Isagoo hadalkiisa inay sameeynayaan baaritaanno lagu ogaanayo waxa dhabta ah ee dhacay islamarkaana sababay dhacdadaan,

Balse  Ku xigeenka afhayeenka booliska  ayaa cadeeyay iney  tuhunsan yihiin in 27-ka qof ay neefta ku dhagtay ama caburisameen maadaama ay saarnaayeen  gaari nooca booyada ah oo ay ku safrayeen.

Lama oga halka ay ku sii jeedeen tahriibayaashaan balse waxaa loo badinayaa in safarkoodu Uu ku sii wajahnaa koonfur afrika.

Share.

Leave A Reply