Inkastoo geeridu ay tahay lama huraan Aadanuhu u abuuran yahay hadana waa ay kala xanuun badan tahay asbaabaha kala duwan ee loo geyriyoonayo.

Magaalada Boorama Ee ah Caasimadda labaad Ee Maamulka Somaliland Caawa waxaa ka dhacday geeri xanuun badan taa oo asiibtay saddex carruur ah oo ka soo jeeday hal qoys.

Geerida caruurtani yar yarka ah ayaa timid kadib markii dab uu ka kacay gurigooda oo kuyiilay xaafadda Nafaqo ee magaalada Boorama.

Guriga Oo ahaa jiingad iyo gurmadka dab-damiska oo ka soo yara daahay ayaa loo aaneynayaa iney sabab u ahaayeen geerida carruurta inkastoo hadana qadartu meesheeda ay taagan tahay.

Ma ahan markii ugu horeysay ee dab ka kacay guri uu sababo khasaare nafeed gudaha magaalooyinka Somaliland.

Share.

Leave A Reply