Qoraal kasoo baxay Kooxda TPLF ayaa loogu baaqay beesha caalamka inay ka qeyb qaataan sidii xabbad joojin deg deg ah ay u wada gaari lahaayeen iyaga iyo ciidamada dowladda Itoobiya ee garabsanaya kuwa Eritrea.

TPLF ayaa sidoo kale qoraalka ay soo saareen uga codsatay beesha caalamka haddii ay ku guul dareestaan joojinta dagaalka in ay ka caawiyaan sidii ay isku difaaci lahaayeen ciidamada duullaanka kusoo qaaday.

Madaxda TPLF beesha caalmka ugu baaqay in ay cadaadis ku saaraan ciidamada Eritrea inay isaga baxaan gobolka Tigray, isla markaana dowladda Itoobiya ay ku cadaadiyaan inay soo fariisato miiska wadahadallada.

TPLFayaa sidoo kale shaaca ka qaaday iney diyaar u yihiin xabbad joojin shuruud la’aan ah, waxa ay sidoo kale cadeeyeen in ay diyaar u yihiin in dowladda la galaan wadahadalo nabadeed oo colaada lagu soo afjarayo.

Ciidamada dowladda federaalka Itoobiya oo garab ka helaya ciidamada dalka Eritrea ayaa weerar joogta ah ku haya, deegaano badan oo kuyaalla Waqooyiga dalka Itoobiya oo ay maamulaan ciidamada fallaagada ee TPLF.

Share.

Leave A Reply