Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Ee Soomaaliya ayaa maanta xukuno isugu jira dil toogasho Xabsi , Xabsi Sideed ilaa Sedax Sano iyo & Xorriyad u celin ku riday xubno ka tirsanaa kooxda Alshabaab kuwaas oo iyaga oo shabakad isku xeran ah laamaha amniga ay ka soo qabteen gudaha magaalada muqdisho.

laba kamid ah eedeysanayaasha ayaa lagu xukumay dil toogasho ah kuwas oo kala ah Cabdi Naasir Cusmaan Nuunow Maama iyo Xasan Cali Xuseen Ibraahim

Cabdi Naasir Cusmaan Nuunow Maama ayaa dilay Maxamed Xaanshi Faarax oo Dilkiisa lagu eedeeyay Taraafikada. laakiin hay’adaha Baarista mar dambe ay u Cadaatay in iyaga Jidka loo galay oo ay Alshabaab Weerar Arbushaad ah ku soo Qaadeen Macaani September Todobadeedii iyaga oo jiidayo Bajaaj shil ku soo gashay Ceelasha.


Xasan Cali Xuseen Ibraahim ayaa isna Dilay Cabdiraxmaan Cabduqaadir Cabdi Axmed oo Military-ga ka tirsanaa June 18 keedii, waxaana xilligaasi dhaawacmay Xukunsanaha oo uu Marxuumka ka hor geeridiisa ku tuuray Xabad.

Share.

Leave A Reply