Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khilaaf xooggan oo ka dhextaagan wasaaradda kalluumeysiga dowlad goboleedka puntland Somaliya.

Khilaafka ayaa u dhaxeeya Wasiirka wasaaradda kalluumeysiga puntland , Rashiid Maxamuud Yuusuf iyo ku xigeenkiisa, Cabdikhaaliq Maxamed Maxamuud.

Xogo madax-bannaan Oo ay heshay Warbaahinta RBN ee Magaalada muqdisho ayaa sheegaya in khilaafku uu salka ku hayo doomo kalluumeysi oo wasaaradda loogu deeqay kuwaas oo qaarkood la arkay iyada oo si hoose loo iibsanayo .

Wasiirka iyo ku xigeenkiisa ayaa khilaafkoodu uu dhashay markii arintaasi la soo gaarsiiyay wasaaradda iyaga oo labada mas’uulba mid walba uu qaaday talaabooyin u gaar ah oo arintaasi la xariirta.

Share.

Leave A Reply