Kulan ballaaran Oo ay u wada dhan yihiin guddoomiyayaasha gobolada. degmooyinka Ee Maamulkaasi Puntland iyo Golaha Wasiirada, Taliyeyaasha Ciidamada, La-taliyeyaasha Madaxweynaha iyo Saraakiil Madaxtooyo. Iyo Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta ka dhacay aqalka madaxtooyada magaalada Garowe.

Kulanka ayaa lagu falanqeynayay diyaar garowga Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka ee Degmooyinka Puntland oo Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha ay bilaabmi doonto 5-ta January 2023,

Sidoo kale waxaa lagaga hadlay Amniga iyo Horumarinta degmooyinka iyo Gobollada dowlad goboleedka Puntland.

Guddoomiyeyaasha gobolada iyo degmooyinka ayuu madaxweynuhu ka dhageystay warbixinta xaaladda guud ee degmooyinka iyo Gobollada Puntland, wuxuuna Kula dardaarmay inay sii horumariyaan dadaalka iyo u adeegida Bulshada iyo Sidii la isugu diyaarin lahaa si dhameystiran Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka.

Share.

Leave A Reply