Dalka Jarmalka ayaa shaacisay in ganaax lacageed ay ku soo rogtay shabakadda fariimaha la isku dhaafsado ee Telegram

Wuxuuna ku eedeeyey inay ku guuldaraysatay inay u hoggaansanto shuruucda dalka Jarmalka.

Lacagta ganaaxa ah ee lagu soo rogay shabakadda Telegram ayaa gaareysa illaa $5 milyan oo dollar. Xafiiska caddaaladda ee heer federaal ayaa sheegay in shirkadda iska leh shabakadda Telegram, inaan lagu dhisin hannaan sharci ah oo ka warbixinaya waxyaabaha sharci-darrada ah ee la dhex mariyo, iyo inaanay Jarmalka u soo magcaabin cid xariir rasmi ah lala sameeyo Oo ka socda Telegram

Booliska heer federaal ee dalka Jarmalka ayaa sannadkan horraantiisii ka digay in shabakadda Telegram, ay xuddun u noqonayso “xagjiraynta”.

Sidoo kale wasiirka caddaalada ee Jarmalka oo qoraal soo saaray, ayaa yiri”Dadka maamula baraha isgaarsiinta waxaa saaran masuuliyad gaar ah oo ay uga hortegayaan arrimaha la xiriira kicinta, nacaybka iyo rabshada laga dhex abaabulo shabakadohooda”

Ugu dambeyn Shabakada Telegram Ganaaxa lagu soo rogay Waa mid ay shirkaddu ka qaadan karto racfaan.

See insights and ads

Boost post

Like

Comment

Share

Share.

Leave A Reply