Axmed Macallim Fiqi Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Somaliya iyo wafdiga uu hoggaaminayo oo ku sugan Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan ayaa halkaasi kawada kulamo kala duwan,

Waxa uu saaka la kulmay wasiirku Senator Raza Rabani iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dalkaasi.

Mudane Fiqi, oo wafdigiisu ay qeyb ka yihiin XFS iyo Wasaaradaha Arrimaha Gudaha ee dowlad goboleedyada ayaa Senator Raza oo horay usoo hoggaamiyay Senate-ka Pakistan kala hadlay arrimaha federaalka iyada oo lagu soo qaaday hannaanada federaalka ee labada dal iyo khibradaha.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, muddada todobaadkan ah ee uu joogayo dalkaasi waxaa uu la kulmayaa mas’uuliyiinta xukuumadda iyo heerarka kale ee dowladda isaga oo kala hadli doona arrimo badan oo ay ku jiraan dowla dhiska, federaalka, dastuurka, maamul daadejinta iyo diiwaangelinta dadweynaha.

Share.

Leave A Reply