Kadib howlgallo saacado badan qaatay oo xalay ay ka sameeyeen ciidamada Booliiska dowlad goboleedka Puntland Xaafado ka tirsan Magaalada Garowe ayaa waxay ku soo qabtaan dad lala xariirinayo ka gancsiga waxyaabaha maanka dooriya,

Sarkaal ka tirsan Booliiska oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in howlgalkii xalay ay ka sameeyeen xaafadaha Garowe uu ahaa mid ka dhan ah kooxaha ka ganacsada maandooriyaha Khamriga.wuxuuna intaasi raaciyay sarkaalka Booliiska
” Sidaan u qorshaynay ayuu u fulay hawlgalkii xalay waxaana gacanta lagu dhigay ciddii la doonayay”

Howlgallada ka dhanka ah maandooriya ayaa mudooyinkii dambe ku soo badanayay xaafadaha kala duwan ee magaalada Garowe caasimadda Puntland,

Iyadoona waxyaabahaasi ay qeyb weyn ka yihiin falalka amni daro ee ka dhaca magaalooyinka iyo deegaannada dalka,

Share.

Leave A Reply