Xildhibaan Ilhaan Cumar Oo ka tirsan Aqalka Golaha Wakiilada Maraykanka ayaa La filayaa in Maalinnimada Berito ah ay soo gaarto caasimadda dowlad gobolleedka Puntland ee Garoowe.

Waxaana ka socda gudaha magaalada garowe qaban qaabada loogu jiro soo dhaweynta Xildhibaan Ilhaan Cumar .Madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo mas’uuliyiin ka tirsan Golayaasha dowladda ayaana si weyn u soo dhaweyn doona.

Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa sannadkii 2018 noqotay qofkii ugu horreeyay ee Somali-American ah oo loo doorto Aqalka Congress-ka Mareykanka waxaana laga soo doortay Gobolka Minnesota ee waddanka Maraykanka,

Marwo Ilhaan ayaa asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya gaar ahaanna deegaannada Puntland.

Share.

Leave A Reply