Sida ila wareedyo gudaha garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde Ee Magaalada Muqdisho ku sugan ay xaqiijinayaan waxaa maanta soo gaaray gudaha dalka Ciidamadii ugu horreysay ee tabbabar ugu maqnaa dalka Eritrea kuwaas oo muran badan dhaliyay maqnaashahooda,
Waxaana la xaqiijinayaa in maanta soo dagatay diyaarad ciidan oo ay saarnaayeen askar gaareysa ilaa 400 askari, waxeyna hordhac u yihiin soo celinta dhamaan ciidamadda maqan.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan Mareykanka ka sheegay in dhamaan ciidamadda ku maqan Eritrea ay dalka dib ugu soo laaban doonaan ugu dambeyn bisha January ee sanadka cusu ee 2023.

Share.

Leave A Reply