19qofood ayaa xabsiga la dhigay kuwaas oo afar kamid ah ay yihiin rag halka 15kalena ay yihiin dumar kadib markii Ciidamo booliis islaami ah ay ku weerareen waqooyiga dalka Nigeria goob xaflad aroos aheyd,

Lawal Ibrahim Fagge Oo ah afhayeenka booliiska ee magaalada Kano ee dalka Nigeria ayaa sheegay in sababta ka dambeesay weerarka ay ku qaadeen xafladani arooska inay tahay in arooska ay dhiganayeen lamaane isku jinsi ah.

Inkastoo aysan ku guuleysan ciidanka booliiska inay gacanta ku soo dhigaan lamaanaha xafladda arooska dhiganayay hadana waxa ay soo xereen 19 ruux kuwaas oo kamid ahaa dadkii xafladda qeybta kala ahaa,

Booliska Islaamiga ah ee magaalada Kano ayaa ku caan baxay magaca Hisbah, waxayna dhaqan geliyaan sharciga islaamiga ah.

Iyadoona magaaladaan dhacda Waqooyiga Nigeria ay Kunool yihiin muslimiinta ugu badan dalka Nigeria , halkaas oo nidaamka sharciga Islaamka uu ka barbar shaqeeyo sharciga ka jira dalkaas. halka dhanka koonfurta ay u badan yihiin Masiixiyiin.

Share.

Leave A Reply