Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Gargaarka Soomaaliya Amb. Adam Abdelmoula ayaa maanta kuwada kulmay magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa ergeyga kaga warbixiyay xaaladda nololeed magaalooyinkii dhawaan booqashooyinka uu ku tagay ee Xudur iyo Baydhabo kuwaas oo ay ka jiraan xaalado cakiran oo bulshada deegaanka ka haysta dhinaca nolosha.

Wuxuuna guddoomiyuhu ku booriyay Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Arrimaha Gargaarka in deegaannadaas la tago si wax looga qabto dadka ay abaartu saameysay.

Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Gargaarka Soomaaliya Amb. Adam Abdelmoula ayaa soo dhaweeyay goobaha uu tagay Guddoomiyaha wuxuuna sheegay in meelo badan oo Soomaaliya inay xaaladdeeda ay liidato,
waxaa uuna xusay Ergeyga in gargaarka bini’aadantinimo aad loo xoojin doono laguna sameyn doono kor joogteeyn si looga hortago dhibaatooyin kale oo hor leh.

Ugu dambeyn Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa dhiirageliyay talaabo kasta oo dalka iyo dadka Soomaaliyeed wax loogu qabanaayo isagoona codsaday in juhdi iyo dadaal dheeri ah lagu bixiyo deegaannada dhawaan ay la wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.

Share.

Leave A Reply