Saciid Xuseen Raage waxa uu kamid ahaa nabadoonnada kooxda Alshabaab isagoona u qaabilsanaa deegaanka Masaajid Cali-Gaduud illaa deegaanka Guulane Ee gobolka sh,dhexe.

Nabadoonka ayaa maanta isku soo dhiibay Dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedka hirshabelle,

Waxaana lagu soo bandhigay deeganka Furqaan ee gobolka Sh/Dhexe halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka.

Taliyaha Booliska HirShabelle Col. Xasan Dhicis, saraakiil kale iyo Agaasimaha waaxda cansuuraha ee wasaaradda Maaliyadda XFS Muxudiin Xasan Juris ayaana kamid ahaa mas’uuliyiinta soo dhaweysay isa soo dhiibahaasi ka tirsanaa kooxda Alshabaab.

Shalay ayey aheyd kadib markii isla deegaankaan lagu soo bandhigay Nuur Macalin Abuukar Calasow oo isaga soo baxay kooxda Alshabaab.

Share.

Leave A Reply