Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Mudane Maxamed Ibraahim Yuusuf Safiirka Jamhuuriyada aan Wallaalaha nahay ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya,

Waxay kawada hadleen Labada Mas’uul sidii Dowladda Jabuuti ay kaalin uga qaadan laheyd mashaariicda lagu horumarinayo bilicda Caasimadda Soomaaliya Ee Moqdisho,

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Sheikh Yuusuf Madaale ayaa ugu dambeyntii ugu mahadceliyay Dowllada Jamhuuriyada Jabuuti iyo Shacabkeeda sida hagar la’aanta ah oo ay qeybta kaga yihiin dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

Share.

Leave A Reply