Maxamed Siciid Maxamed (Faroole) Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta dowlad gobolleedka Puntland ayaa wareegto uu soo saaray shaqo-joojin ugu sameeyay Mas’uul ka tirsanaa Wasaaradda.

Wareegtada ka soo baxday Xafiiska Wasiirka ayaa lagu sheegay in shaqada looga joojiyay Agaasimaha guud ee wasaaradda Qorsheynta Sharma’arke Xasan Cali. si baaritaan loogu sameeyo.

Shaqo ka joojinta Agaasimaha ayaa lagu saleynayaa inay soo galeen tuhuno la xariira ku takrifal maaliyadeed.

Waxaana Wareegtada lagu xusay in la hakiyay dhammaan kootooyinkii Wasaaraddu ku lahayd Bangiyada inta uu socdo baaritaanka.

Xafiiska Hanti-dhawrka guud ee Puntland ayaa isna sidoo kale lagu wargeliyay in baaritaan maaliyadeed uu ku sameeyo Wasaaradda Qorshaynta.

Share.

Leave A Reply