Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya Kooxo bastoolado ku hubeysan oo xalay degmada Afgooye ku dillay wiil dhallinyaro ah.

Maxamed Xaaji Xasan, Waxa uu ahaa guddoomiyihii dhallinyarada degmada Afgooye xilli uu ku sugnaa waaxda Xaawo-waako ee Afgooye oo uu Guddoomiye Waaxeed ka ahaa ayaa waxaa qeybaha sare ee jirka rasaas kaga dhuftay koox bastoolado ku hubeysnaa kuwaas oo goobta ka baxsaday.

Maamulka Degmada Afgooye ayaa xaqiijiyay dilka AUN Maxamed Xaaji Xasan waxeyna sheegeyn in howlgallo lagu baadigoobayo raggii ka dambeeyay dilkaasi ay ka socdaan xaafadaha kala duwan ee degmada Afgooye.

Dhanka kale Cabdullaahi Maxamed Cismaan oo ah guddoomiyaha degmada Afgooye ahna duqa Magaaladaas ayaa waxaa uu ka tacsiyeeyay geerida Guddoomiyihii Waaxda Xaawa-Taako Marxuum Maxamed Xaaji Xasan oo kooxo hubeysan ay dileen.

Amniga degmada Afgooye ee kamid ah Deegaanada maamulka koonfur/galbeed soomaaliya ayaa afaraha kasii baxaya iyadoona halkaasi ay ku sii kordhayaan falalka dilka loogu geysto mas’uuliyiinta iyo dadka muhiimka u ah bulshadda.

Share.

Leave A Reply