Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha maamulka Somaliland ayaa xafiiskiisa madaxtooyada ku dhax yaalla maanta ku qaabiley Safiirka Cusub ee Dalka Denmark Ambassador, Mr. Steen Sonne Andersen.

Warbixin guud Ayuu ka siiyey xaaladda guud ee Somaliland iyo horumarka ay ku tallaabsatay Madaxweyne biixi  safiirka cusub.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale safiirka u sheegay inay diyaar garawgii ugu dambeeyay ay ugu jiraan  hirgalinta hannaanka Dimuquraaddiyadda ku salaysan ee arrimaha doorashooyinka.

Wafdiga uu hogaaminayay Safiirka cusub ee Dalka Denmark Ambassador, Mr. Steen Sonne Andersen ayaa dhankiisa u ballan qaaday madaxweynaha Somaliland inay kala shaqeyn doonaan arimaha horumarka iyo nabada.

Share.

Leave A Reply