Saciid Cabdullahi Deni madaxweynaha dowladda Puntland ayaa maanta kulamo kula qaatay xafiiskiisa  Wafdi ka socda Midowga Europe oo ay hoggaaminayso Safiirka Midowga Europe ee Soomaaliya Tiina Intelmann iyo Wafdi ka socda Hay’adda Care International oo ay hoggaaminayso Ku-xigeenka Madaxa Care International ee Soomaaliya Ummykaltun Abdimajid.

Sidoo kale wafdiga waxaa qeyb ka ahaa Saraakiil ka socotay, Hay’adda Save the Children

Qasriga Madaxtooyada kulan saacado badan qaatay oo Madaxweynaha iyo Mas’uuliyiintaas ku dhexmaray ayey kaga wada hadleen Mashruuca Waxbarashada

Waxayna  Dowladda Puntland u ballan qaadeen iney kala shaqeynayaan Mashruuca Waxbarashada, gaar ahaan tayada macalimiinta iyo Heerka Waxbarasho.

Share.

Leave A Reply