Kadib doorasho ka dhacday magaalada Garowe waxaa loogu doortay guddoomiyaha dallada bulshada rayidka ee Puntland ee PUNSAA Cabdiraxmaan Cabdirisaaq Cabdiraxmaan,

Mas’uuliyiin kala duwan ayaa goobjoog  ka ahaa halka doorashadu ay ka dhaceysay waxaana kamid ahaa Ku-simaha  Madaxweynaha, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash,

Madaxweyne ku xigeenka  ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Dalladda Daneeyayaasha aan Dowliga ahayn ee Cabdiraxmaan Cabdirisaaq Cabdiraxmaan.

Sidoo kale Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kaga mahadceliyay hoggaamiyihii hore ee dallada  Faysal Qaran hanaankii wanaagsanaa ee uu u soo jiheeyay dallada mudo xileedkii uu ahaa guddoomiyaha dallada  PUNSAA.

Share.

Leave A Reply